Puntland: Gaas oo kala diray Golahii deegaanka Qandala

Image

GAROOWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu kala diray Golahii deegaanka degmada Qandala ee gobolka Bari.

Kala dirista Xildhibaanada ayaa loo sababeeyay inay kasoo bixi waayeen waajibaadkii loo igmaday.

Madaxweyne Gaas wuxuu sidoo kale degmada usoo magacaabay Guddoomiye iyo ku-xigeenka KMG ah.

Hoos ka akhriso Wareegtada lagu kala diray Golaha deegaanka Qandala

Xeer Madaxweyne Lr. 62 23 May kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Markay caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday.

Wuxuu xeeriyey.

Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Qandala.
Dhanka kalana Madaxweynuhu waxaa uu soo saaray wareegto lagu magacaabay Guddoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen kumeel gaar ah ee Degmada Qandala.

Xeer Madaxweyne Lr.63 ee 23 May 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Qandala.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Qandala.

Markuu Qiimeeyey: Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.

Waxaa Yuusuf Maxamed Ciise si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qandala.
Waxaa Cabdukhaaliq Maxamed Ismaaciil si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku xigeenka Guddoomiyaha Degmada Qandala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM