Puntland: Gaas oo kala diray Golahii deegaanka Qandala

Image

GAROOWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu kala diray Golahii deegaanka degmada Qandala ee gobolka Bari.

Kala dirista Xildhibaanada ayaa loo sababeeyay inay kasoo bixi waayeen waajibaadkii loo igmaday.

Madaxweyne Gaas wuxuu sidoo kale degmada usoo magacaabay Guddoomiye iyo ku-xigeenka KMG ah.

Hoos ka akhriso Wareegtada lagu kala diray Golaha deegaanka Qandala

Xeer Madaxweyne Lr. 62 23 May kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Markay caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday.

Wuxuu xeeriyey.

Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Qandala.
Dhanka kalana Madaxweynuhu waxaa uu soo saaray wareegto lagu magacaabay Guddoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen kumeel gaar ah ee Degmada Qandala.

Xeer Madaxweyne Lr.63 ee 23 May 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Qandala.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Qandala.

Markuu Qiimeeyey: Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.

Waxaa Yuusuf Maxamed Ciise si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qandala.
Waxaa Cabdukhaaliq Maxamed Ismaaciil si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku xigeenka Guddoomiyaha Degmada Qandala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM