Puntland: Gaas oo ku soo wajahan magaalada Garowe

Image

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa la flayaa in maanta uu soo gaaro magaalo madaxda Puntland ee Garowe isagoo maalmihii la soo dhaafey ku sugnaa magaalada Bossaso.

Safarka madaxweynaha Gaas ayaa la xiriira wafdi ka socda beesha caalamka oo maalmaha soo socda ku soo wajahan magaalada Garowe kuwasoo u socda in Puntland ka raaridaan iney aqbalaan go'aanka Dowlada Federaalka ee qaabka doorasho ee Somalia.

Mud. Cabdiweli ayaa kasoo ambabaxaya magaalada Bosaso xilli maamlmihii las oo dhaafey ka dhaceen rabshado dad ku dhinteen kuwasoo warrarku sheegayaan in xaalada degan tahay waqtigaan.

Qabaa'ilka ayaa warrarku sheegayaan in wadahadalo ka bilaabeen xalinta dilal lagu sameeyey Askari dhintey maalmihii mudaharaadka dhacayey iyo ganacsade lagu toogtey Bosaso isagoo ku sugan ganacsigiisa.

GAROWEONLINE kala soco wararka la xiriira  safarka Madaxweynaha Puntland saacadaha soo socda.

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM