​Puntland: Ganacsiga Bosaso oo loo xiray cabasho dowladda laga keenay

Image
Image

BOSASO, Puntland- Ganacsatada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sameeyay cabasho kaliftay inay xiraan xarumahooda, kadib markii lagusoo rogay lacago dheeraad ah oo ay xuseen inaysan bixin karin.

Mas’uuliyiinta goobaha ganacsiga Bosaso ayaa saaka Albaabada isugu laabay xarumahooda, waxayna ka biyo diideen lacago dhawaan ay soo rogtay wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ku saabsan macaashka Daaraha.

Qaar kamid ah Ganacsatada gadoodka samaysay ayaa ku andacooday inaysan bixin karin lacagtan maadama ya bixiyaan Canshuuro kale oo ku waajibay Badeecooyinka ay iibiyaan.

Waxaa jira kulamo dhex-maray Rugta Ganacsiga Puntland, ganacsatada magaalada Bosaso iyo maamulka gobolka Bari, waxaana wararka uu helayo Garowe Online sheegayaan in lagu kala tagay oo la isku fahmi waayay.

Mid kamid ah ganacsatada Bosaso oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in ganacsatada laga doonayo 4% guri kasta.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhawaan sii daysay Wargalin ku saabsan in la qaadi doono Canshuurta Macaashka Daaraha oo laga qaadayo dadka ku jira guryaha Kiradaha ah, waxaana dowladdu tilmaamtay inay tahay mid waafaqsan shuruucda dowladda iyadoo iminka laga qaado Guryahay u kiraysan hay’adaha Caalamiga ah.

Galinkii hore maanta waxaa la xiray Dukaamada waaweyn ee magaalada Bosaso, balse waxaa iminka tallaabadaas ku raacay mulkiilayaasha Ganacsiga yar-yar.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda, xilli dadweynuhu walaac ka muujiyeen go’aanka ganacsatadu sameeyeen.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhawaan sheegtay inay qaadi doonto Lacagta Macaashka Daaraha laga bilaabo January ilaa Jun, 2017.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Sicir barar xooggan uu ka jiro deegaanada Puntland, taasoo xal loo waayay mudadii uu xilka hayay Madaxweyne Gaas.

Dowladda ayaa iminka qaada canshuuro kala duwan oo ay bixiyaan ganacsatada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM