​Puntland: Garoonka Kolayga gabdhaha oo la dhagax dhigay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Garoon loogu talo galay inay gabdhuhu  ku cayaaraan kubadda kolayga, ayaa maanta la dhagax dhigay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas'uuliyiin kasocotay wasaaradaha Haweenka, dhalinyarada iyo cayaaraha, Taliyaha ciidamada Asluubta, maamulka degmada Garowe, xubno kasocday xiriirka Cayaaraha Somalia iyo mas'uuliyiin kale.

Garoonka oo horay uga dhisnaa magaalada, ayaa lagu samayn doona dayactir iyo casriyayn, waxaana taageeraya Mashruuca USAID's TIS+.

Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Kolayga Puntland, Maxamed Maxamud Burc oo  xafladda dhagax dhigga ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin dhismaha garoonkan dumarka loogu talo galay, wuxuuna sheegay inay horay u haysatay ciriiri dhinaca garoomada ah, wuxuuna tilmaamay inay ka qayb qaadanayso hormarinta cayaaraha Kolayga ee Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Duqa degmada Garowe, Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa dayactirka garoonkan ku sifeeyay mid hormar usoo jiidaysa caasumadda, isagoo xusay inay ka maamul ahaan ka qayb qaadanayaan sidii uu u noqon lahaa mid hagaagsan oo daboolida baahida dhinaca garoomada laga qabo.

Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland, Jeneral Cali Nuur Cumar, ayaa dadaalkan ku macneeyay mid horseed ka noqonaya in la sameeyo kooxo kala duwan oo Kubadda Kolayga cayaara, wuxuuna cadeeyay in ciidamadiisu leeyihiin Koox lagu magacaabo Horseed oo dheesha kubadda Kolayga Puntland.

Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin, ayaa farxad ku tilmaamtay tallaabada lagu dhiirigalinayo kubadda Kolayga gabdhaha, waxayna mahad-celin u jeedisay hay'adda TIS+ iyo mashruuca USAIDs.

Qaar kamid ah haaweenkii kasoo qayb galay oo ay ku jirto Faadumo Cali Nuur, oo ahayd gabar heer Qaran kubadda Kolayga ka gaartay, ayaa xustay inay tallaabadi keeni karto in la helo dumar dalka matala oo xirfad wanaagsan leh.

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, ayaa isna xusay inay muhiimad gooni ah siinayaa hormarinta kubadda Kolayga gaar ahaan gabdhaha, isagoo sheegay inay ka go'antahay sidii loo dhiirigalin lahaa dumarka kubadda gacanta cayaara.

Garoonkan la dhagax dhigay, ayaa ku dhinac yaal garoonka lagu cayaaro Kubadda Cagta ee Mire Awaare, waana goob loogu talo galay inay ku cayaaraan dumarka oo kaliya.

Marka la dhammaystiro ayaa la qorshaynayaa in lagu sameeyo cayaaro kala duwan iyadoo koobab loo dhigi doono kooxo gabdho ah oo kubadda Kolayga dheela.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM