​Puntland: Go'aamo laga soo saaray bar-kantarool Garowe

Image

GAROWE- Dowladda Puntland, ayaa maanta go'aamo kasoo saartay muranka ka dhashay bar-kantarool oo loo raray deegaanka bixin ee Waqooyi Galbeed magalada Garowe, waxaaan war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada lagu sheegay in deegaankaasi yahay dhul daaqsimeed aan loo ogolayn in la deegameeyo.

Amarkan oo soo saaray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa ka koobnaa lix qodob, waxaana ku xusnaa in dhammaan howlihii deegaanka kasocday la hakiyay.

Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Deegaanka, ayaa sidoo kale amar lagu siiyay inay tir-tiraan dhammaan calaamadaha muujinaya deegamaysiga, iyadoo halkaasi laga mamnuucay in lagu arko shakhsiyaad hubaysan oo aan ka tirsanayn ciidamada daraawiishta Puntland.

Amarkan, ayaa soo baxay xilli muran ka taaganyahay Kantarool loo raray deegaanka bixin oo dhacda Waqooyiga Galbeed Garowe.

Hoos ka akhriso amarka laga soo saaray arrinta barta-kantarool


GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM