Puntland: Heshiis KMG oo laga gaarey murankii Dekada magaalada Boosaaso

Image

Boosaaso, Puntland - Kadib markii dekada xarunta ganacsiga Puntland xirneyd muddo asbuuc taasoo sabatey in rabshdo dad ku dhinto ka dhacaan magaalada Boosaaso ayaa wararka warsidaha GO helayo sheegayaan in heshiis KMG ah laga gaarey xaalada taagan.

Shir ay isugu yimaadeen xubno matalyey dowlada Puntland kuwasoo uu hogaaminayey Gudoomiyaha gobolka Barri iyo ganacsato wakiil ka ah gadiidka badeecadaha sida ee ku xiran duleedka dekada magaalada Boosaaso ayaa habeenkii xaley waxay isla-gaareen heshiis KMG ah oo soconaya muddo 10 cisho ah.

Kulankaan ayaa lagu qabtey xarunta Rugta Ganacsiga dowlada Puntland ku leedahay magaalada Boosaaso.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa ka koobnaa 4 qodob kuwasoo kala ah.

1- In Dekada lagu soo celiyo habkii ay ku shaqeyneysay heshiiska ka hor

2-In aan wax lacag ah siyaado ah laga qaadi karin doonyaha iyo maraakiibta inta xal laga gaaryo

3- In guddi labada dhinac ah la saaro si xal looga gaaro qodobadii la isku qabtey

4-In laga wada shaqeeyo nabad-galyada magaalada Boosaaso.

Gadiidka dekada dibada kaga xiran ayaa la filayaa insaacadaha soo socda soo xirtaan kuwasoo dajin lagu bilaabi doono.

Wararka kasoo kordha kulamada labada dhinac kala soco warsidaha GAROWE Online

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM