Puntland: Mafaxweynaha Puntland oo wadahadal la yeeshey Isimada Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Xarunta madaxtooyada magaalada Garowe ayaa caawa waxaa ka dhacey kulan saacado badan qaatey oo u dhexeeya isimada gobolka Nugaal iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, wadahadalkaaan ayaa waxaa  goob joog ahaa Odey dhaqameedyo ka socda gobolka Mudug sida GO fahansan yahay.

Kulankaan wararka kasoo baxaya ayaa xusaya inuu la xiriirey khilaaf ka dhashey  shir magaalada Qardho Boqor Burhaan ugu  qabanayo duubabka Soamliyeed kaasoo ay ka biyo diideen isimo ku shirsan magaalo madaxda Puntland ee Garowe. Waxaa guuldareystey dhexdhexaadin ay sameeyeen maanta 23 May, 2016 isimo ergo ah oo kasoo ambobaxdey magaalada Qardho kuwasoo xaawilay in duubabka fadhiya Garowe ku qanciyaan iney ka qayb galaan kulanka ka socda xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Puntland maanta ayaa qorshahu ahaa inuu ka qayb galo furitaanka kulanka Qardho balse dib u dhacey kadib markii xal laga gaari waayey kulamo Isimada uga socdey Garowe.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in kulankaan ka dhacey madaxtooyada Garowe diirada saarayey sidii Madaxweyne Gaas ugu qancin lahaa Isimada Garowe inuu ka qayb galo kulanka Qardho. Isimada ku shirsan magaalada Garowe ayaa diidan in Madaxweyne Gaas kulan gaar ah ka qayb galo taasoo sida wararka aan ku heleyno sheegayaan in duubabka fadhiya magaalo madaxda Puntland aaminsan yihiin in talaabo noocaan oo kale ah qayb ka noqoneyso khilaafka taagan. Mud. Gaas ayaan inta uu socdey kulankaan aan ka codsan isimadaan iney ka qayb galaan shirka  magaalada Qardho.

Wadahadal dheer kadib ayaa sida wararka ku soo gaarayaan warsidaha madaxa banaan ee Garowe Online,  waxaa go'aan lagu gaarey in Madaxweyne Gaas maalinta berri 24 May, 2014 soo xiro kulanka maalmahaan uga socday Isimada Garowe islamrkaana ka iclaamiyo in dowlada Puntland qabaneyso shirweyne lagu dhexdhexaadinayo Isimada mandaqadaan kaasoo lagu qabanayo magaalo madaxda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in kulankaas kadib u ambabixi doono magaalada Qardho halkaasoo shirka ka socda ka qayb gali doona islamarkaana mar kale ka sheegi doona in dowladiisu qaban doono shirka Isimada Puntland.

Khilaafka Isimada Puntland ayaa soo bilowdey bartamihii sanadka 2013 isagoo sii xoogeystey doorashadii Puntland ka dhacdey 2014.

Dowlada Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa ka gaabisay xalinta khilaafaadkaan oo soo shaacbaxey xafaladii caano shubka loogu sameynayey Burhan Boqor Boqor Muse taasoo aysan kasoo qayb galin Isimada gobolka Nugaal, Mudug iyo qaar ka tirsan salaadiinta gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM