Puntland: Howlgallo ka socda magaalada Garoowe [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Saddexdii maalmood ee u dambeeyay magaalada Garoowe waxaa ka socday howlgallo xoog leh oo lagu sugayay amniga caasimadda Puntland, kaasoo kusoo aaday xilli cabasho ka imaanaysay shacabka qaybihiisa kala duwan.

Dadweynaha ayaa ka cabanaya dhalinyaro koox koox isu raacaysa oo wata Tooreeyo kuwaasoo furanaya mobeelada iyo hantida kale ee ay dadweynuhu wataan.

Taliyaha qaybta Booliiska degmada Garoowe Faarax Galan-gooli oo uu waramayay Radio Garoowe, ayaa sheegay in howlgal xoog leh ku qaadeen magaalada islamarkaana ay wadaan baaritaano habeen iyo maalin leh kuwaasoo ka dhan ah dhalinyarada iyo dadka wada falalka amni darro.

Galangooli ayaa sidoo kale sheegay in maalmaha ugu dambeeya ay fiiqi doonaan bacaha madow ee lagu xiro gaadiidka taasoo muddooyinkii dambe aad u soo badanaysay.

Wuxuu sheegay in ay ciidamo geeyeen goobaha laga tukaamaysto si loo sugo amniga shacabka islamarkaana si habsami leh ay u socdaan qorshaha loogu diyaargaroobayo maalmaha ciida oo waxyar inaga xigto.

Arrin kale oo maalmahan la isla dhexmarayay oo ku saabsan qaraxyo la sheegay in lasoo galiyay magaalada Galkacyo meelo kalana ku wajahanyihiin ayaa Taliyaha wax laga weydiiyay, wuxuuna  sheegay inay u diyaar garoobeen.

“Waa nasoo gaartay xogtaasu meelaha lagasoo galo iyo baraha Kantarooladana waan xirnay, diyaar ayaana u nahay inaan fashilino hadii ay soo galaan,” ayuu yiri Taliye Galan-gooli.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku dhuftay in maalmaha ciida ay ciidamo dheeraad ah keeni doonaan magaalada si loo sugo amniga goobaha cibaadada islamarkaana dadku si wanaagsan ugu ciidaan caasimadda Puntland.

Ugu dambayn Taliyaha ayaa ammaanay shacabka magaalada Garoowe sida ay ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Dhinaca kale colaadda ka taagan degmada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa saamayn ku yeelatay amniga magaalada Garoowe, waxaana muddooyinkii dambe kor u kacay hubka lala dhexmarayo gudaha magaalada taasoo horay looga mamnuucay magaalada.

Waxaa sidoo kale hoos u dhacay howlgalladii amni ee magaalada laga samayn jiray, kaasoo kor u qaaday dhalinyarada hubaysan ee dhaca samaynaya iyo bacaha madow ee baabuurta lagu dhagsanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM