Puntland iyo Beesha Caalamka oo ku heshiiyay wadashaqeyn dhow

Image
Dowladda Puntland Ayaa la wadaagtay Beesha Caalamka , horumarka ka socda Puntland gaar ahaan Amniga.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Said Abdullahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Dowladda Puntland iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha oo maanta ku qabsoomay Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxman Faroole ayaa qayb ka aha wegtiga madaxweynaha siga oo wasiirku ka hadlay arimaha iyo xaaladaha deegaanka haysa in wax laga qabto .

Wakiillada beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha ka qeybgalay Shirka ayaa kala ah : UN, Midowga Europe, Canada, Germany , UK, Sweden , Netherlands, Finland, Denmark, Norway , Switzerland, France , USAID, World Bank iyo African Development Bank.

Dowladda Puntland Ayaa la wadaagtay Beesha Caalamka , horumarka ka socda Puntland gaar ahaan Amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada , dimuqraadiyadda iyo fursadsiinta dhallinyarada iyo Haweenka.

Sido kale Dowladda Puntland waxay beesha caalamka kala hadashay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Puntland iyo deeq-bixiyeyaasha iyo in la hubiyo in deeqaha Beesha Caalamku ay si siman u gaaraan dadka loogu talagalay.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhinacooda Puntland ugu hambalyeeyay hirgelinta hanaanka dimquraadiyadda Puntland soona dhoweeyay xoojinta wada shaqeynta.

Madaxweynaha waxaa kulanka kala qeybgalay xuhno ka mid ah Golaha Xukuumadda , La-taliyeyaal Madaxweyne , Wakiilka Puntland ee Kenya iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM