Puntland iyo Galmudug oo ka shiray nabada Gaalkacyo

Image
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo ku qaabilay Wafdi ka socda Galmudug.

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad goboleedka Galmudug oo ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wafdiga Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan, waxaa ay isugu jireen Wasiiro, Saraakiil Ciidan, Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug Iyo Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug iyo xubno kale .

Kulanka ayaa looga hadlay sii xoojinta ka wada shaqeynta nabadgelyada, amniga, isu-socodka , ganacsiga iyo horumarka degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, iyo in Puntland iyo Galmudug ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan in la xaliyo dhammaan colaadaha qabiil ee Gobolka kusoo noqnoqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM