​Puntland iyo Galmudug oo ku heshiiyay 10 qodob [Akhriso]

Image

GALKACYO, Puntland- Shir maalmahan uga socday maamullada Puntland iyo Galmudug magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo looga hadlayay sidii loo soo afmeeri lahaa colaadda soo noq noqotay ee ka taagan gobolka ayaa laga soo saaray heshiis ka kooban todobo qodob.

Kulamada nabadda Mudug looga hadlayay waxaa hormuud ka ahaan Madaxweyne ku-xigeenada labada maamul kuwaasoo ay wehelinayaa siyaasiyiinta iyo waxgaradka labada dhinac.

In kastoo Khamiistii la filayay in heshiis ay gaaraan labada dhinac ayaa maanta laga soo saaray heshiis qeexayay in la fuliyo kuwii hore islamarkaana dadka labada maamul la gaarsiiyo fariin ah inay ka shaqeeyaan xasiloonida gobolka.

Heshiiska labada dhinac ayaa sidoo kale qeexayay in la furo waddooyinka xiran ee magaalada Galkacyo.

1- In laga hortago wixii keeni kara colaad iyo dagaal, lana joojiyo wixii dhaq dhaqaaq ciidan ah, lana hubiyo ciidamada labada dhan ay kala joogaan xeryahooda, si waafaqsan heshiisyadii xabad joojinta ee horey loo gaaray, lana kormeero goobaha colaaddu ka jirto.

2- Waxaa lagu baaqay, laguna heshiiyey in lays la qaato nabad, lana gaarsiiyo guud ahaan dadka reer Puntland iyo Galmudug.

3- Waxaa laysku afgartay in muddo 90 casho gudahood ah lagu qabto shirweyne dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo dhamaan khilaafaadka Gobolka Mudug, labada maamulna ay dhisaan guddi farsamo.

4- In labada Maamul ay si dhameystiran u hirgaliyaan heshiiskii la saxiixay 22 June 2017 iyo kuwii ka horeeyeyba.

5- In la furo wadooyinka xiran, lana kormeero hirgalinta heshiisyadii xabad joojinta.

6- In la sii wado shirarka dib u heshiisiinta, lagana xisaabtamo wixii dhacdooyin laga soo bilaabo dhacdadii Balibusle, maamuladuna ay ka taageeraan fududeynta xal u helista dhacdooyinkaas.

7- In culuma’udiinka, ganacsatada iyo Jaaliyadaha Gobolku ay si firfircoon uga qayb qaataan ka shaqaynta sidii lagu gaari lahaa nabad baahsan oo ka dhalata gobolka Mudug.

8- Waxaa laysku raacay, lana dhisay guddi nabadda ka shaqeeya oo ka kooban 36 xubnood labada dhanba.

9- In Guddiga nabadda labada dhan ay ka soo shaqeeyaan xeer lagu xakameeynayo dhacdooyinka fal dambiyeedyada.

10- In fidno wade loo aqoonsado, meelna looga soo wada jeesto ciddii ka hortimaadda hirgalinta nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka walaalahaa ee Galmudug iyo Puntland.

Maaha markii ugu horeysay labada maamul gaaraan heshiis noocaan oo kale ah, balse kan ayaa kusoo aaday xilli labada Madaxweyne ay ka maqanyihiin shirkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo SSC-Khaatumo oo iskaashanaya xilli xiisad ay taagan tahay

Xasarada oo ku saabsan doorashada soo aadan ee Soomaaliya ayaa u dhaxeysa Villa Soomaaliya iyo Jubaland.

  • Puntland

    11-11-2024

  • 03:23AM

Wasiirada Puntland oo meelmariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025

Golaha Xukuumadda ayaa sidoo kale ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

  • Puntland

    07-11-2024

  • 01:49PM