Puntland iyo hay'adda Bisha Cas ee Imaaraadka oo heshiis kala saxiixdey

Image
Image

ABU DHABI, UAE - Dowladda Puntland iyo Hay'adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo Khamiis ah waxay kala saxiixdeen heshiis muhiim ah.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland oo lagu fahfaahin heshiiska ayaa waxaa lagu sheegay in uu yahay mid lagu xoojinayo wadashaqeynta labada dhinac.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in heshiiska uu qayb ka yahay in hay'addan ay xafiis ka furato degaanada Puntland si ay u fududaato arrimaha gargaarka.

Hoos ka akhriso warka qoraalka ah

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Hay'adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ayaa kala saxiixday heshiis wada shaqayneed oo oggolaanaya in Hay'adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadku ay xafiis ka furato Puntland, si ay ugu fududaato arrimaha gargaarka bini'aadantinimo ee ay ka fuliso Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa saxiixay heshiiska wadashaqayneed ee Dowladda Puntland iyo Hay'adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka, dhinaca Hay'adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxaa heshiiskan u saxiixay Xoghaya Guud ee Hay'addaasi Maxamed Ateeq Al-falahi.

Dowladda Puntland ayaa asbuucyadan ka shaqeynaysay xaaladaha bini'aadantinimo ee ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada Puntland, waxaana jira Guddiyo Dowladdu u saartay arrimaha Gurmadka dadka ay roobabku saameeyeen.

Xafiiska Hay'adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadku ay ka furanayso Puntland ayaa ka mid noqondoona xafiisyada Dowladda kala shaqaynaaya arrimaha gargaarka bani'aadantinimo, waxaana wafdigii ugu horeeyey ee xafiiskaasi ka socda uu maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.


GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM