Puntland iyo Itoobiya oo ka shiray iskaashiga amniga iyo ganacsiga

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, ayaa kulan ku yeeshay Addis Ababa, caasimada Itoobiya.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Deni, labadda mas'uul ayaa waxay kawada hadleen iskaashiga amniga, ganacsiga, horumarka iyo xiriirka Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa socdaal kusoo maray Itoobiya kadib markii uu kasoo laabtey Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula soo yeeshay qaar kamid ah madaxda waddankaas.

Qoraalka Madaxtooyadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caasimadda dalka Itoobiya kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Itoobiya Axmed Shide.

Soo dhoweyn iyo isxog waraysi kadib Madaxweyne Deni iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland soo dhoweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Waxaana uu Madaxweynuhu u rajeeyey shacabka iyo dowladda Itoobiya Amni iyo horumar.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Itoobiya Axmed Shide ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka isaga iyo Madaxweynaha, waxaana uu tilmaamay in ay dhankooda diyaar u yihiin dardargelinta iskaashiga ganacsi, amni, horumar iyo deris wanaag ee ka dhexeeya labada dhinac.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM