Puntland iyo UNICEF oo ka shiray mashruuc dhowaan bilaabanaya

Image
Mashruuca Dowlad-kaab waxaan iska kaashanaya Dowladda Puntland iyo Hay’adaha UNICEF, UNDP iyo UNHABITAT

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Saraakiil ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobey ee UNDP and UNICEF.

Shirka ayaa looga hadlay arrimo farsamo oo la xiriira sidii loo hirgelin lahaa Mashruuca Dowladda-Kaab oo dhowaan bilaabmaya.

Mashruuca Dowlad-kaab oo ay iska kaashanayaan Dowladda iyo Hay’adaha UNICEF, UNDP iyo UNHABITAT ayaa xoojinaya maamul daadejinta iyo horumarinta degmooyinka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM