​Puntland: Koofi oo booqday Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wafdiga  Koofi ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan laanta Socdaalka iyo xubno kale.

Taliyaha ayaa booqasho ku tagay qaybo kamid ah garoonka diyaaradaha Boosaaso isagoo u kuurgalay qaabka ay u shaqeeyaan.

Koofi, ayaa garoonka dhexdiisa kulan kula qaatay saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso iyagoo kawada hadlay arrimo la xariira qaabka ay u shaqeeyaan.

Majirto faah faahin dheeraad ah oo laga helayo socdaalka Taliyaha oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin.

Hay'adda uu Koofi Madaxda u yahay ayaa xarun ku leh magaalada Boosaaso, waxaana safarkan uu qayb ka yahay socdaalo uu horay ugu tagay xarumaha hoos yimaada ee dalka ku yaalla. Kama uusan hadlin socdaalkiisa iyo waxyaabaha uu la xariiro.

Maaha markii ugu horaysay ee uu booqasho ku yimaado mudane Koofi deegaanada Puntland tan iyo markii xafiiskan uu usoo magacaabay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM

Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas …

  • Puntland

    04-07-2025

  • 02:22PM