Puntland: Ku dhawaad 13 kun Arday oo Imtixaan u fariistay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada Sare iyo Dhexe ee deegaanada Puntland ayaa maanta ka furmay 84 xarumood oo ku yaalla gobollada kala duwan ee dowlad goboleedkaas.

Imtixaankan oo sannadkiiba mar la qabto ayaa waxaa u fariistay Arday gaaraysa 12700 oo Arday kuwaasoo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo xubno katirsan dowladda ayaa ku daah furay magaalada Qardho.

Magacaalada Garowe gaar ahaan Dugsiga Sare ee Gambool oo ay ku galayeen in kabadan 400 Arday, ayaa waxaa daah furay Guddoomiyaha Barlamanka Axmed Cali Xaashi oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada.

Maamulaha Dugsiga Sare ee Gambool Cali Suudaane oo la hadlay GO, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay guusha ay joogaan Ardayda Imtixaanka u fariisatay, wuxuuna ALLE uga baryay inuu u sahlo.

Guddoomiye Xaashi ayaa Ardayda kula dar-daarmay inay istajiyaan kalsooni dheeraad ahna muujiyaan si Imtixaankoodu u noqdo mi fudud.

Wuxuu ugu hambalyeeyay Ardayda dadaalka ay usoo galeen inay heerkaas soo gaaraan, isagoo waalidiinta iyo macallimiintii wax soo bartay ku ammaanay hormarka waxbarashada ee ay ka qayb qaateen.

Dhinaca kale waxaa Koonfurta dalka Somalia maanta si rasmi ah uga furmay Imtixaanka Shaahaadiga ah ee dusiyada dhexe iyo sare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM