​Puntland: Kulan kasocda magalada Garowe

Image

GAROWE- Kulan dag dag ah ayaa magaalo madaxda Puntland uga socda Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, guddiga nabad galyada iyo saraakiisha ciidamada, waxaana looga hadlayaa xaaladda soo korortay ee degmada Garacad gobolka Mudug.

Shirkan ayaa looga wada xaajoonayaa qaabka laga yeelayo xaaladda degmadaasi oo galinkii dambe maanta gacanta ku dhigeen mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab oo doonyo kasoo raacay magalada Xarar-dheer ee isla gobolkaasi.

Lama hayo tirada rasmiga ah ciidamada qabsaday magaalo xeebeedka dhacda gobolka Mudug, waxaase soo baxay warar kala duwan oo qaybtood sheegayaan inay gaarayaan ilaa 150 kuwaasi oo wata hub kala duwan.

Waxaa adag in la helo xogta rasmiga ah ee degmadaasi, balse xiriiro kala duwan oo aan samaynay, waxaan naloo xaqiijiyay in mallayshiyaadkaasi jareen isgaarsiinta magalada islamarkaana dadka deegaanka ku amreen inaysan dhaq-dhaqaaq samayn, waloow dadka qaybtood arrintaasi ka dhago adaygeen oo isaga baxeen Garacad.

Wararka ayaa intaasi ku daray in doonyaha kasoo baxay Xarar-dheer intaasi kabadnaayeen oo aysan ku hakan degmada.

Ilo wareedyo madax banaanayaa xusaya in maalmihii ugu dambeeyay kooxo katirsan ururka Shabaab isku aruursanayeen qaybo kamid ah gobolka.

Wixii kasoo kordha wararkaasi dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM