​Puntland: Maamulka Dekedda Boosaaso oo la wareejiyay [Daawo]

Image

BOOSAASO, Puntland- Waxaa maanta si rasmi ah dowladda Puntland u wareejisay maamulka dekedda Boosaaso oo ay gacanta ku hayn doonto shirkadda shirkadda P&O Port, taasoo dayactir iyo  ballaarin ku samayn doonta.

Xaflad lagu wareejinayay dekedda waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin katirsan dowladda, odoyaasha dhaqanka iyo saraakiil matalaysay shirkaddan.

Ugu horay wasaaradda Dekedaha Puntland ayaa shacabkii kasoo qayb galay xafladda u sheegtay inaysan jiri doonin bur-burin lagu samayn doono dhismayaasha shacabka, laakiin  P&O Port ay ka shaqayn doonto sidii dekeddan looga dhigi lahaa mid caalami ah.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in dekedda Boosaaso hadda uu kusoo xirto hal markab, balse qorshuhu yahay inay hal mar kusoo xiran karaan 5 markab.

Qaar kamid ah waxgaradka iyo duubka dhaqanka Boosaaso oo ka hadlayay munaasabadda Wareejinta ayaa u mahadceliyay dowladda iyo shirkada laga leeyahay Imaaraadka, waxayna arrinta ku tilmaameen hormar soo kordhay.

Odoyaasha dhaqan ayaa xusay inaysan jirin sabab ay uga hor imaan karaan hormarka socda iyo ballaarinta dekedda Boosaaso.

Wakiil u hadlayay P&O Port, ayaa xafladda ka sheegay "Ma jirto dhismayaal iyo masaajido aan bur-burin doono, dhulka aniguba waxbaan ku leeyahay ma ogolaan doono in waxyeelo loo gaysto, sababtoo ah waa mashruuc loogu danaynayo shacabka."

Ugu dambayn wasiir dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in shirkaddan lagula xisaabtami doono dhammaan wixii lagu wareejiyay kuwaasoo sida uu hadalka u dhigay dhammaantood caymis la galiyay.

Muddo soddon sano ah ayaa P&O Port maamuli doontaa Dekedda Boosaaso iyadoo ku samayn doonta Ballaarin, Dib u casriyayn islamarkaana la jaanqaad siin doonta dekedda caalamiga ah.

Hadda waxaa ganacsato ka cabanayaan in dekedda aysan kusoo xiran karin Maraakiib waaweyn sababo ay ku sheegeen in ciid soo buuxisay xeebta iyo goobihi ay istaagi jireen gaadiid badeedka shixnadda halka aysan gabi ahaanba badeecada ku jirta Container aysan imaan karin Puntland taasoo ganacsatada u isticaamaasho dekada magalaada Berbera.

Heshiiskan oo uu qalinka ku duugay Madaxweyne Gaas sannadkan dhexdiisa ayaa ku kacaya Adduun lacageed oo gaaraya 336 Milyan oo doollar.

Goor sii horaysay Wareejinta dekedda Boosaaso Madaxweyne Gaas ayaa ku tilmaamay guul usoo hoyatay shacabka Puntland isagoo ugu baaqay inay soo dhaweyaan fursaddan dahabiga ah ee ka qayb qaadanaysa hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dekada Berbera ayaa waxaa sidoo kale maamulka doonta shirkada DP world halka dekada magalaada Muqdishu ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Halkan ka Daawo xafladda Wareejinta Dekedda Boosaaso

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM