Puntland: Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Garoowe

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducale Geelle Xaaf ayaa ku sugan caawa xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe kadib socdaal aan la shaacin oo ku yimid Jimcihii 01 Jun, 2018.

Warar Warsidaha Garowe Online ka helay saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijisay safarka Xaaf, waxayna intaas ku dareen inuu kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Lama oga waxyaabaha ay kawada hadleen labada mas’uul oo shirkooda kusoo beegay xilli ay jirto xiisad u dhaxaysa madaxda maamullada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safarkan oo warbaahinta laga qariyay ayaa la sidoo kale la sheegay inuu la xariiro xiisadda ka dhex aloosan madaxda sare ee Galmudug.

Todobaadkii hore waxaa baaqday shir ay ku baaqday wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ay doonaysay inay ku dhex-dhexaadiso Xaaf iyo madax uu horkacayo ku-xigeenkiisa Carrabey.

Xaaf ayaa safarkiisa loo badinayaa inuu la xariiro labadaas arrimood iyo sidii Puntland farogalin ugu samayn lahayd maadama Madaxweyne Gaas Guddoomiye u yahay madasha maamul goboleedyada.

Lama oga in maanta oo Sabti ah ay la hadli doonaan warbaahinta iyo in si qarsoodi ah uu uga bixi doono magaalada Garoowe oo uu markii ugu horaysay booqasho ku imaaday.

Xiriirka Galmudug iyo Puntland ayaa wanaagsanaa tan iyo markii Gaas loo doortay Guddoomiyaha madasha maamullada.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli maanta magaalada Muqdisho ay ka dageen madaxda HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed kuwaasoo kasoo laabtay socdaal ay ku tageen magaalada Nairobi, halkaas oo uu wali ku suganayay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxda maamullada ayaa shir isugu imaan doona magaalada Baydhabo kaasoo ay kasoo qaybgali doonto dowladda Federaalka.

Kulankaas waxaa looga hadli doonaa amniga sida GO u xaqiijiyeen saraakiil xog ogoaal ah.

Todobaadkii hadda ina dhaafay waxaa magaalada Nairobi isugu tagay madaxda saddex maamul iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka, waxaana baaqday shir hoose oo dhexmari lahaa Farmaajo, Shariif Xasan, Waare iyo Axmed Madoobe.

Sida wararku xuseen Axmed Madoobe ayaa kulankaas ka cudur-daartay maadama uu xunyahay xiriirka kala dhaxeeya dowladda dhexe.

Dhinaca kale wuxuu shir la qaadanayay mudadii uu halkaas ku sugnaa Xildhibaanada ku jira Dowladda Federaalka ee ku sugan Kenya iyo Guddiyada madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM