​Puntland: Madaxweyne Gaas oo dib ugu laabtay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kadib ka qayb galkiisa shirkii Kismaayo.

Mas’uul katirsan dowladda iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Boosaaso ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Bandarqaasim.

Gaas oo imaanshihiisa kusoo aaday wax yar uun kahor markii la wareejiyay maamulka dekedda Boosaaso ayaa ka warbixiyay safarkiisa iyo waxyaabaha usoo qabsoomay.

Madaxweynaha Puntland, wuxuu tilmaamay in kulankii Kismaayo uu guul kusoo dhammaaday islamarkaana ay ka tashanayeen masiirkooda iyo kan umadda Soomaaliyeed taasoo keentay in markii dambe loo doorto hogaamiyaha madaxda maamullada dalka.

Wuxuu sheegay in madashaas aysan cidna dhibaato k u ahayn ee ay ka turjumayso wax-wada qabsi iyo iskaashi maamullada dhexmaraya taasoo ka shaqayn doonta hormarinta Soomaaliya.

Gaas ayaa sidoo kale xusay in cidna aysan duulaan ku ahayn dadka hada sida khaldan u fahamsan madashana ay dib ka ogaan doonaan waxa ay tahay xaqiiqiyan.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu soo dhaweeyay talaabada lagu wareejiyay dekedda Boosaaso, wuxuuna tilmaamay inay tahay farxad iyo guul usoo hoyotay shacabka Puntland.

Muddo dhowr cisho ah ayuu Madaxweynaha Puntland ka maqnaa magaalada Boosaaso.

Halkan ka Daawo Shirka Jaraa'id ee Madaxweyne Gaas ku qabtay Boosaaso

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM