​Puntland: Madaxweyne Gaas oo ku wajahan Galkacyo

Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa la filayaa inay safar ku tagaan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in subaxii  Madaxweynuhu ka safri doono Caasumadda Garowe uu yimid 12 bishan.

Safarka Gaas ee Galkacyo ayaa xariira Aas Qaran oo halkaas loogu samayn doono Fiqi Bashiir Cabdulle oo kamid ahaa Isimada Puntland oo dhawan ku geeriyooday dalka Sweden.

Madaxweynaha iyo xubno katirsanayaa golayaasha dowladda ayaa la filayaa inay tagaan Duugta Fiqiga oo dhintay 5 July, 2017.

Aaska kadib Madaxweynaha ayaa maalmo kooban joogi doona Galkacyo oo muddooyinkan ay ka dhacayeen dilal qorshaysan oo qaybtood lagu dilay mas'uuliyiin iyo dhalinyaro.

Gaas, ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato qaybaha kala duwan ee Bulshada gobolka Mudug.

Allah  ha u naxariistee Marxuumka oo la aasi doono maalinta Barri ah, ayaa Bishii Janaayo 2013 lagu caleema saarey deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, isagoo Isim u ahaa Beesha reer Xirsi Farax ee Cumar Maxamuud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM