Puntland: Madaxweyne Gaas oo magacaabay Wasiiro Cusub

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] ayaa maanta magacaabay wasiiro cusub, xilli maamulkiisa uu la dagay musuq-maasuq mas'uuliyiin xilal looga qaaday.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kalyumaysiga Iyo Khayraadka Badda.

Daahir Xaaji Khaliif, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaaradda Beeraha Iyo Waraabka, halka Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda ee Puntland.

Wasiirka cusub ee Beeraha Puntland ayaa bedelaya Cabdinuur Cilmi Maxamuud oo magaalada Muqdisho ku geeriyoodey bishii January ee sanadkan.

Masuuliyiinta la magacaabay ayaa lagu wadaa inay la wareegaan xafiisyadda maalmaha soo socda.

Magacaabistan ayaa timid kadib markii horaantii bishan uu Madaxweyne Gaas xilalkii ka qaaday 7 Sargaal oo katirsan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo musuq-maasuq lagu eedeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM