Puntland: Maxkamadda oo xuntay rag Qarax lagu qabtay

Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntlad- Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-5-2017 ,xukun dil doogasho ah ku riday Shan nin oo dhawaan ciidamada amniga Bosaso ku qabteen Waxyaabah Qarxa oo si qarsood ah loo soo galin rabay xarunta gobolka Bari, kuwaasoo la doonayay in ilaa saddex goobood lagu weeraro.

Eedaysanayaasha la xukumay,  ayaa qirtay dambiga loo haysto iyagoo xusay inay wateen Qaraxaas qorshahooduna ahaa in xarunta gobolka Bari  weeraro ka gaystaan.

Balse nin lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Canshuur oo eedaysanayaasha kamid ahaa uu qirtay inuu katirsanyahay Al Qaacida.

Guddoomiyaha Maxkamadda Xukunka Riday Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay go'aanka Ciqaabta Raggaas oo u dhacay;

Cabaas Ibraahim Yare Aadan –I Khadiijo Aadan 26-jir ah kuna dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

Ibraahim Maxamed Canshuur –Ina Khadiijo Cabdullaahi Cali 20-jir ah,ku dhashay Afgooye waxaa lagu xukumay dil Toogasho ah

Dhaqane Aadan Cabdi Xassan- Ina Sacdiyo Isaaq Ibraahim 20-jir ah ku dhashay Qansax dheere waxaa lagu xukumay dil toogasho ah

Aadan Nuur Aadan Cali –Ina Kuuso Maxamed Nuur 27-jir ah ku dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

Nuur Cabdi Aadan Isaaq –Ina Xaawo Wardheer Maxamed 22-jir ah ku dhashay Aw-diinle –Dil Toogasho.

Raggaan ayaa 25/04/2017 lagu qabtay duleedka magaalada Bosaso iyagoo wata baabuur noociisa Somalidu u taqaann Dhikilo, kaasoo siday waxyaabaha Qarxa oo noocooda lagu sheegay kuwo aad u halis badan.

Xukunka raggaan ayaa yimid xilli todobaadkii hore ruux isku soo xiray walxaha qarxa oo katirsanaa Daacish uu 4 qof ku dilay magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM