Puntland: Musharax ka hadlay xaalada dagaalka ka dhacey Tukaraq [Akhri]

Image
Image

NAIROBI- Farax Cali Shire oo horey u ahaan jirey Wasiir Maaliyadeed islamarkaana la filayo inuu isu soo taago doorashada xilka Madaxweynaha maamulkaas sanadka 2019 ayaa noqdey musharxii ugu horeeyey ee ka hadla dagaalkii ka bilowdey tuulada Tukaraq halkaasoo ay muddo 5 bilood ah isku horfadhiyeen ciidamo ka tirsan Puntland iyo Somaliland.

Shire oo war kooban soo dhigey bartiisa uu ku leayahay Facebook ayaa qoraalkiisa ku sheegey inuu hambalyo ugu dirayo ciidamada difaaca Puntland sidoo kale tacsi u direy askartii ku dhimatey iska-horimaadyadii labada ahaa ee ka dhacey tuulada Tukaraq.

Waxaa kale oo uu ku baaqey in shacabka Puntland adkeeyaan midnimadooda xiligaan adag islamarkaana meel uga soo wadajeestaan duulaanka ciidamada Somaliland ku soo qaadeen degaanadooda.

Farax ayaa ku sheegey qoraalkiisa iney dhamaatey waqtigii caburinta iyo sheegashada lagu hayey shacabka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn isagoo xusey in xalka uu ku imaan karo oo kaliya iyadoo wadahadal dhexmaro maamulada Somaliland iyo Puntland.

Somaliland ayaa duulaan ay ku soo qaadey Tukaraq ku qabsatey sanadkaan bilowgiisa iyadoo ku sheeganeysa inuu kamid yahay xuduudkeeda laga dhaxley guumeystihii Ingriiska.

Maamulka Puntland ayaa waxaa la filayaa iney ka dhacaan doorashooyin Barlaman iyo Madaxweyne sanadka 2019 iyadoo la filayo in xilkaan isu soo taagaan musharaxiin badan kuwasoo rajo ka qaba iney badalaan Madaxweynaha xilka haya Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Hoos ka akhri warsaxafadeedka Mudane Farax Cali Shire

Waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Puntland meel walbo ay joogaan. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ciidamadda geesiyada Puntland ee dalkooda iyo dadkooda ka difaacaya cadowga ku soo duulay ee dagaalka kaga jira aaga Tukaraq iyo meela kale oo badan.

Sidoo kale waxaan utacsiyeynayaa ciidamadii ku dhintay dagaalka, ilaahay ha u naxariisto waana geesiyadii difaacay dadka iyo dalka , anagana samir iyo iimaan allaha inaga siiyo. Geesiyadii ku dhaawacmay dagaalka waxaan leeyahay ilaaahay ha caafiyo Hana u booga dhayo.

Dhammaan dadka reer Puntland shacab iyo dawladba waxaan ugu baaqayaa inay adkeeyaan midnimadooda cadowgana meel uga soo wada jeestaan si loo xoreeyo goboladda iyo degaamada lagu soo duuley ee Puntland.

Dagaalku waa dheeranayaa sida muuqata mana joogsanaayo ilaa dalka laga xureeyo cadowga mar hore iyo mar dambeba duulaanka ku wada Puntland.

Maamulka Hargeysa waxaan ugu baaqayaa inay ka baxaan Gobolka Sool si loo joojiyo dhiig ku daadanaya dagaalka kadibna xal siyaasadeed loo helo, waxaana hubaal ah In xilligii caburinta iyo sheegashada beenta ahi ay dhammaatay. Xalkuna wuxuu ku imaan karaa oo kaliya wada hadal dhexmara Somaliland, Puntland iyo dadka degan Gobolka Sool.

Dhammaad

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM