Puntland o

Image

Wasaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in kiisas cudur Dabaysha ku saabsan laga helay degmooyinka Towtiiq iyo Jariiban oo ka tirsan Gobalka Mudug.

Arrintan ayaa loo aqoonsatay mid qatarteeda xambaarsan loona baahan yahay in si guud looga wada hortago lana qaato tallaalka dabaysha.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Caafimaadka Dr.Saadiq Eenow ayaa u anbo baxay deeganadda cudurkaasi lagu sheegay si wacyi galin dadka degan loogu sameeyo.

Wasiirka Cadaaladda Ismaaciil Maxamed Warsame oo dhankiisa maanta shir jaraa'id ku qabtay magalada Garowe ayaa ku dhawaaqay in xaalad adag ay jirto loona baahan yahay dowladda iyo shacab in laga hortago,wuxuna muujiyay qof jira 29 inuu cudurkaasi ugu geeriyooday Gobalka Mudug.

Ismaaciil ayaa tilmaamay Degmooyinka Burtinle iyo Eyl in laga samayn doono barnamijyo wacyi galin ah lana gaarsiin doono tallaalka Dabaysha maadama uusan lahayn daawayn.

Wasaradda caafimaadka ayaa sheegtay marka laga baxo bisha Ramadaan in la bilaabi doono Tallaalka dadka waa wayn si caafimaadka qofka loo hubiyana ay muhiim tahay in goobaha caafimaadka lala xariiro.

Kooxo Caafimaad ayaa la geeyay xaduudaha Mudug si dadka soo galaya Puntland loo tallaalo.

Todobo sano ayuu cudurkan Dabaysha ka maqnaa Soomaaliya sida la sheegayna qof qaba oo ka yimi wadanka Nigeria soona maray xeryaha Qaxootiga Kenya ayaa Soomaaliya soo galiyay gaar ahaan koonfura Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne kux-geenka dowladda Puntland oo ka hadlay Shirka Nabadda ee PDRC

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa isbadalka Cimilada.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 12:59PM

Puntland oo Ka Digtay Saameynta Isbedelka Cimilada iyo Faragelinta Dowladda Federaalka

Dhanka kale, Wasiirka ayaa eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in faragelinta siyaasadeed.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 11:29AM