Puntland oo baaq degdeg ah kasoo saartey muranka doorashada

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shirka golaha xukuumadda oo ay xaadireen inta badan wasiiradda waxaa ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Todobaadkan waxaa looga hadlay Doorashada Soomaaliya, Amniga deegaannada Puntland, xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka, horumarinta Waxbarashada iyo ansixinta Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland.

Deni ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo dadaalka Dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dhashay hirgelinta heshiiskii 17-ka September 2020.

"Dowladda Puntland marwalba kaalin muhim ah ayey ka qaadanaysa sidii dalku uga gudbi lahaa marxaladda uu ku jiro, waxayna soo jeedisay in ay muhim tahay in dhakhso shir la isugu yimaado oo lagu qabto Muqdisho madaama Hay’adda Dastuuriga ah ee DFS wakhtigoodu dhammaaday, Shirkuna u baahanyahay wakhti badan in la geliyo, Saamileyda Siyaasadda, Beesha Caalamka iyo dhammaan dhinacyada ay khuseysona ay halkaasi wada joogaan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Shirka ay ku baaqeyso Puntland wuxuu kusoo hagaagay xilli maalmo kahor uu madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo soo jeediyey in kulan 15-ka Febraayo ka dhaca Garowe.

Puntland, Jubaland, afhayeenka Aqalka Sare iyo Midowga Musharaxiinta ayaa naqdiyey in shirka ka dhaco Garowe, waxaana ay dalbadeen in lagu kulmo magaala madaxda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM