Puntland oo caddeysay Mowqifkeeda ku aadan Shir uu Farmaajo ku baaqey

Image

GAROWE, Puntland - Dawladda Puntland ayaa shaacisay mowqifkeeda ku aadan Shirka Gollaha Amniga Qaran ee uu Madaxweyne Farmaajo dhawaan ku casuumey madaxda dawlad goboleedyada dalka Soomaaliya.

Isagoo wareysi siinayay SBC TV, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi [Tima-Cadde], ayaa sheegay in aysan ka qeybgeli doonin Shirka uu 14-kii bishan June Farmaajo ku baaqey, kaasoo Villa Soomaaliya ay sheegtay in looga wadatashanayo geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka wuxuu xusay in Puntland ay horey usoo dhawaysay, islamarkaana ka qeybgali doonto Shirka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku baaqey inay isagu yimaadaan madaxda DF iyo maamullada, si xal looga gaaro khilaafka ka taagan nooca doorashadda noqon doonto.

Villa Soomaaliya ma aysan shaacin jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka, kaasoo ay ka shaqeynayeen guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada Dawladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

Guddiyada ayaa ku fashilmay inay isla meel dhigaan waqtiga iyo goobta shirka lagu qabanayo, kadib markii ay carqaladeysay Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo diiday dhamaan qodobadii lasoo bandhigay, iyadoo kulamadaasi uu dusha kala socday xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM.

Puntland ayaa horey uga digtay in dib loogu noqdo nimaadka 4.5 iyo inay madaxda DF mudo korarsi sameystaan, islamarkaana ay dib u dhigaan doorashadda 5ta bilood kaharsan, taasoo hadii ay dhacdo ka digayaan saamileyda siyaasadda inay horseedi karto in dalka uu dib ugu laabto halkii uu yimid, ee colaadda iyo deganaansho la'aanta.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM