Puntland oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Farmaajo

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa ganafka ku dhufatay isla markaana cambaareysay hadal shalay uu Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ka hor-sheegay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo].

Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dawladda Puntland oo warbaahinta kula halday magaaladda Dhuusamareeb, ayaa sheegay in dhawaqaas uu aflagaado iyo meel ka dhac ku yahay madaxda maamulada.

Farmaajo ayaa u sheegay mudaneyaasha Aqalka Hoose in madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu gacantiisa ku qoray heshiiskii 17-kii September isla markaana uu haatan diidan yahay wixii uu madmadoobeystay.

Falcelinta Mr Timacadde ayaa ka dambeysay markii wariye shirka jaraa'id ka qeybgalay uu waydiiyey su'aal ku saabsaneyd hadalka kasoo yeeray Farmaajo.

"Hadalkaas waxay gaf iyo aflagaado ku tahay madaxweyneyaasha maamul goboleedyadda kale marka laga reebo kan HirShabelle. Saddexda kale ayay cay ku tahay annaga ayaana xaal ka siineyna," ayuu kaga jawaabay su'aasha la waydiiyey.

Dhanka kale, wasiir Timacadde ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu lahaa sababta ugu weyn ee burburka wadahadaladii Dhuusamareeb 4 isla markaana ku fara-adeegay gobolka Gedo kana sameyn waayey wax tanaasul balaaran ah.

"Madaxweynaha dowladda Puntland wuxuu ku dedaalay in arrintaas xal loo helo oo mashaakilka halkaas ka taagan oo u dhaxeeya dadkaas walaalaha ah la dhameeyo. Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in wasiiradda arrimaha dibadda shanta dowlad goboleed in loo diro gobolka Gedo iyaga oo guddi ah kadibna ay dadkaas heshiis dhex-dhigaan madaxweynaha dowladda federaalka ee waqtigiisa dhamaadey waa diidey madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in qaab kale loo dhigo oo ah dadka Daaroodka ah aan arrintaas waxba laga saareyn oo la miiro oo la naqiilo oo Puntland u badan loo diro. Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee waqtigiisa dhamaadey arrintaas lafteeda waa diidey," ayuu Timacade yiri.

Mr Timacadde ayaa ku daray: "Anigoo aan waxba qarineyn waxaa xataa la isla soo gaarey in guddoomiyaha gobolka Gedo uu magacaabo Axmed Madoobe, gudoomiyaha gobolkana [Gedo] loo daayo cidda uu wato madaxweyne Farmaajo oo xataa hadii aanu magacaabeyn madaxweyne Axmed Madoobe ay magacaabaan odayaasha gobolka Gedo taasna madaxweynaha ayaa laga furfuri waayey ujeedada uu ka lahaa ma garaneyno. Madaxweynihii Ummadda Soomaaliyeed in uu kusoo uruuro jufadiisa horta nasiib darro ayay ahayd".

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Farmaajo uu kasoo dhaqaaqay Dhuusamareeb "qaab qarsoodi ah" isla markaana "uusan soo-sagootin madaxweynihii martida uu u ahaa ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM