Puntland oo cambaareysey booqashadii Siilaanyo ee Laascaanood

Image

January 22, 2015 (GO)- Dowlada Puntland ayaa cambaareysey booqashadii shalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kusoo gaarey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in booqashadaasi ahayd daan daansi qaawan kaasoo aan sinaba loogu dulqaadan karin.

AKHRISO QORAALKA:

March 16, 2014 ayey ahayd markii sidan oo kale Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hogaaminayaa  booqasho aan horay loo shaacin ku yimaadeen degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, halkaasoo saacado kadib ay dib uga laabteen. 

Waa markii labaad ee Siilaanyo soo gaaro Laascaanood tan iyo markii ciidamada Somaliland la wareegeen degmadaas bishii October sanadkii 2007. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM