Puntland oo cambaareysey weerarkii Central Hotel

Image

February 21, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa si kulul u cambaareysey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Al-shabaab la beegsatay shalay oo Jimce ahayd hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Camey oo xalay madaxtooyada Garowe war-fidiyeenka kula hadlay ayaa weerarkaas ku tilmaamay fal argagixiso.

"falkaasi fal argagixiso weeye, waxayna cadaynaysaa dabeecadda runta ah ee ay leeyihiin Al-shabab...Soomaali haddaan nahay waxaa nala gudboon inaan meel uga soo wada jeedsanno" Madaxweyne Gaas ayaa yiri.

Madaxweynuhu wuxuu dhanka kale tacsi u direy ehelada dadkii weerarkaas ku geeriyoodey isagoo inta dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Weerarka waxaa ku geeriyoodey ugu yaraan labaatan iyo shan qof waxaa sidoo kale la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen ku dhowaad konton qof oo kale.

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira mas'uuliyiin dowladda ka tirsan, qaar horay xilal uga soo qabtey iyo siyaasiyiin caan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM