Puntland oo dagaalkii Balli-khadar ku eedaysay Somaliland [Daawo]

Image

GAROOWE, Puntland- Guddiga Difaaca Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay weerar xalay ka dhacay deegaanka Balli-khadar ee gobolka Bari, kaasoo ay dhexmaray mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab iyo ciidamada Badda Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowladd), oo ay hareer fadhiyeen xubno katirsan golaha xukuumadda ayaa sheegay in weerarkaas ay soo qaadeen mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab iyo Somaliland.

“Dowladda Puntland waxay u sheegaysaa shacabkeeda, kan Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in xalay saq dhexe June 2, 18 in Argagixisada Caalamiga ah iyo mallayshiyaadka Hargaysa oo ay hogaaminayaan saraakiil katirsan mallayshiyaadka Hargaysa,” ayuu yiri wasiir Dowlad.

Isagoo sii hadlaya wuxuu shaaciyay sarkaal katirsan maamulkaas iyo guutada uu katirsanyahay kaasoo uu sheegay inuu hogaaminayay ciidamada weerarka ka gaystay deegaanka Balli-khadar ee gobolka Bari.

“Saraakiishaas oo uu kamid yahay nin lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Bataar kana tirsan guutada 8aad ee maamulka Hargaysa una dhashay beesha Isaaq (Habar-jeclo), islamarkaana dagan magaalada Ceerigaabo xalay ay weerar kusoo qaadeen saldhigga Bali-khadar ee Puntland,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka Amniga Puntland.

Wasiirka ayaa xusay in mallayshiyaadka soo duulay ay la kulmeen jab xooggan marka la bar-bar dhigo khasaaraha soo gaaray ciidamada Puntland ee saldhigaas ku sugnaa.

“Halkaas waxay kala kulmeen jab xooggan dhimasho badana kasoo gaartay, waxaa soo gaaray ciidamada Puntland khasaaro kooban si geesinimo leh, sharaf leh ayayna isaga difaaceen isagana caabiyeen,” sidaas waxaa yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Axmed Cabdullaahi Dowlad, ayaa maamulka Somaliland ku eedeeyay inay ku milmeen ururka Al Shabaab islamarkaana u taaganyihiin waxyeellaynta shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo sheegay wasiirku in weerarka Balli-khadar looga danleeyahay sidii beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed looga jeedin lahaa dhibaatada ay ka wado Somaliland gobolka Sool.

Ugu dambayntii wasiirka ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin sidii Somaliland iyo Al Shabaab ay uga xorayn lahaayeen gobollada Sool, Sanaag, Haylaan, Sool iyo buuraha Calmadow.

Xalay ayay ahayd markii dagaal khasaarihiisu koobna ay mallayshiyaad hubaysan ku qaadeen deegaanka Balli-khadar oo katirsan gobolka Bari, waxaana weerarkaas ku dhintay 5 Askari halka dhaawacu gaarayo 3 kale.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo ay kusoo beegeen waqtigii ay sannadkii hore ay dagaalka ku qaadeen deegaanka Af-urur ee isla gobolkaas. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM