Puntland oo dalbatey in laga caawiyo dib u dejinta qaxootiga Yemen

Image

April 8, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa beesha caalamka ka dalbatey in laga taageero dib u dejinta qaxootiga tirada badan ee ka imaanaya dalka Yemen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo maanta xafiiskiisa Garowe shir-jaraa'id ku qabtey, ayaa sheegay in Puntland ka walaacsan tahay qaxootiga kasoo qulqulaya dalka Yemen.

Axmed Karaash ayaa sidoo kale sheegay in labadii todobaad ee ugu dambeeyey ay magaalada Bosaso oo keliya soo gaareen siddeed doonyood oo sidey ku dhowaad labo boqol oo qof.

Wasiirka ayaa xusey in Puntland awood u lahayn inay dadka intaas le'eg dib u dejin u sameynso, wuxuuna ugu baaqey hay'adaha samafalka iyo wadamada deeqda bixiya inay Puntland arintan ka caawiyaan.

Labo doonyood oo dad ka badan 200 oo qof la socdaan ayaa habeen dambe kusoo wajahan magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM