Puntland oo dalbatey in laga caawiyo dib u dejinta qaxootiga Yemen

Image

April 8, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa beesha caalamka ka dalbatey in laga taageero dib u dejinta qaxootiga tirada badan ee ka imaanaya dalka Yemen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo maanta xafiiskiisa Garowe shir-jaraa'id ku qabtey, ayaa sheegay in Puntland ka walaacsan tahay qaxootiga kasoo qulqulaya dalka Yemen.

Axmed Karaash ayaa sidoo kale sheegay in labadii todobaad ee ugu dambeeyey ay magaalada Bosaso oo keliya soo gaareen siddeed doonyood oo sidey ku dhowaad labo boqol oo qof.

Wasiirka ayaa xusey in Puntland awood u lahayn inay dadka intaas le'eg dib u dejin u sameynso, wuxuuna ugu baaqey hay'adaha samafalka iyo wadamada deeqda bixiya inay Puntland arintan ka caawiyaan.

Labo doonyood oo dad ka badan 200 oo qof la socdaan ayaa habeen dambe kusoo wajahan magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM