​Puntland oo dar-dargalinaysa tayaynta shaqaalaha dowladda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland, oo safar muddooyinkan ku marayay qaar kamid ah waddamada Geeska Afrika, ayaa maanta kulan ku qaatay Jaamacadda Shaqaalaha dowladda Ethiopia ee magaalada Addis Ababa.

Kulankan, ayaa looga hadlayay sidii la isu dhaafsan lahaa khibradda tayaynta shaqaalaha, waxaana wafdiga xukuumadda Puntland ku wehelinayay mas'uuliyiin kasocota jaamacadda PSU.

Shirkan ayaa lagu go'aamiyay in la mideeyo labada jaamacadood ee kala ah; PSU iyo Jaamacadda Shaqaalaha dowladda Ethiopia.

Jaamacaddan ay booqdeen wafdigu waxaa sidoo la sheegay inay dhigtaan ilaa 30 kamid ah shaqaalaha dowladda kuwaasi oo dhigta heerarka kala duwan ee Jaamacadda.

Wafdigan ayaa horay u tagay dalalka Kenya iyo Tanzania, waxayna kulamo kula soo qaatay mas'uuliyiin kala duwan iyo hay'adaha shaqaalaha dowladda.

Socdaalkan, ayaana qayb ka ah dadaalka xukuumaddu ku doonayso inay ku tayayso shaqaalaha dowladda iyadoo ay taageerayo Bangiga Adduunka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM