Puntland oo Dawo iyo Dhaqaatiir u dirtay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya u dirtay deeq dawo ah iyo dhaqaatiir ka qayb qaadanaysa gurmadka loo fidinayo dhibanayaasha qaraxii 14 bishan ka dhacay is-goyska Zoobe.

Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland ayaa hogaaminay wafdiga la socda dawadaas oo gaaraysa 4 Tan.

Sidoo kale waxaa xukuumadda Puntland Muqdishu u dirtay 10 qof oo isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal caafimaad kuwaasoo qayb ka ah Ballan qaad uu dhawaan sameeyay Madaxweyne Gaas.

Xaflad kooban ayaa mas’uuliyiin katirsan dowladda ku qabteen garoonka diyaaradaha Kanooko, waxayna tilmaameen in deeqdaas ay ugu talo galeen sidii qayb Puntland uga qaadan lahayd masiibadii ka dhacday Muqdisho.

Wasiir Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo hadal kooban jeediyay ayaa tilmaamay in kaalmadan ay tahay mid hordhac islamarkaana ay jiri doonaan kaalmooyin lacageed oo dowladda iyo shacabka Puntland kaga qayb qaadanayaan dhibkii Zoobe.

Saraakiil katirsan dowladda ayaa sidoo kale sheegay inay ka xunyihiin masiibadii ka dhacday Zoobe iyagoo tacsi u diray umadda Soomaaliyeed islamarkaana qaraxaas ku sifeeyay mid waxashnimo ahaa oo lagu dhibaateeyay maato aan waxba galabsan.

Deeqda Puntland ay dirtay, ayaa kamid noqonaysa kaalmooyin horey loo geeyay Muqdisho oo qaybtood katimid dalalka Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM