Puntland oo ka digtay talaabo ay qaadey xukuumadda KMG ah

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad-guurada 22-aad ee Aasaaskii Dowladda Puntland, oo taariikhda markii ugu horeysay lagu qabtay Gaalkacyo.

"Waxaan Jeclahay dadka reer Puntland meel walbo oo ay joogaan gude iyo dibadba iyo Soomaaliya inteeda kaleba in aan u diro hambalyo, maalinta 1-da August oo ah maalin Soomaaliyeed, maalin horseed u aheyd Dowladdnimadii dhaawacu gaaray 90-kii soo kabashadeedii. Dowladda Puntland ayaa runtii aasaaskeedii ay fure u noqotay hiigsiga maanta ee shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo uu leeyahay” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa bulshada la wadaagay horumarka dhinac walbo leh ee Puntland gaartay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, oo ay ku jirto waxqabadka guulaha laga gaaray ee ay sanadkan hirgelisay Dowladdu sida Amniga, tirakoobka, tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidamada, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada, nabadeynta iyo isbedelka tayeyn iyo tashiil ee maaliyadda.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa la asaasay 1998-dii, Waxaana 22kii sano ee nidaamka Dowladdnimo dhisnaa uu dadka reer Puntland gaarsiiyey barwaaqo iyo horumar, Soomaaliyana waa u sal iyo tiir waana meeshii laga baadi doonay dib u yagleelka Dowladdnimada Soomaaliya burburkii kadib.

Deni oo dib u xasuusiyey Bulshada Puntland, doorkii ay ku lahaayeen dhismaha Dowladdnimada iyo Nidaamka Federaalka ah ee hadda jira, ayaa ka digay hab-dhaqanka sharci jebinta ah oo ay u danbeysay Golaha adeegga ee Garsoorka oo dhismihiisa iyadoon sifo sharci ah loo marin, cidna lagala tashan ay xukuumadda KMG ah sheegtay inay ansixisay.

Maadaama 1-da August ay aheyd markii ugu horeeysay ee lagu qabto Gaalkacyo, Madaxweynaha ayaa ka hadlay Isbedelka Amni iyo horumar ee ka socda Gobolka Mudug, wuxuuna ugu baaqay Bulshada Gobolka inay doorkooda ka qaataan, wadashaqeynta Puntland iyo Galmudug sida dhinacyada amniga, nabadgelyada iyo horumarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM