Puntland oo digniin u dirtey DF Somalia kadib kulan golaha xukuumada [AKHRI]

Image

GAROWE Puntland- Kulankii Khamiis-laha ahaa ee golaha xukuumada dowlada Puntland ku yeesheen  xarunta State House 1/06/2017 ayaa waxaa lagaga hadlay qodobo dhowr ah kuwasoo isugu jirey arimaha amniga, siyaasada iyo xeerarka garosoorka.

Arimaha amniga ayaa waxaa lagu soo qaatey khataraha ka jira dhaqdhaqaayada ururada argagixisada ah ka wadaan Puntland iyadoo lagu sheegey in ciidamada dowlada ku jiraan feejignaan dheeraad ah.

Kulankan oo uu shir gudominayey Madaxweynaha Puntland ayaa waxa bogaadin loo direy ciidamada amniga Bossaso ee guuleystey iney qabtaan dhowaan gawaari sida qaraxyo.

Dhinaca kaley kulanka golaha wasiirada Puntland ayaa waxaa lagaga hadlay xiriirka wada shaqeynta dowlada Federaalka iyo Puntland kaas oo laga soo saarey digniin.

"Golaha xukumada dowlada Puntland ayaa  cadeeyey in Dastuurka dowlada Federaalka yahay mid qabyo ah islamrkaana aan kooxna si gooni ah u takri fali-karin awoodihiisa."

Puntland ayaa sidoo kale u dirtey fariin golaha Barlamanka Federaalka Somalia iyadoo sheegtey iney horyaalaan xeerar farabadan oo u baahan in laga baaran dago inta aan sharci laga dhigin hadii kale waxay ka digeen in takaabadaan keeneyso khilaaf kale oo hor-leh.

Xiriiraka dowlada Federaalka ah iyo Puntland ayaa asbuucyadii ugu dambeeyey gaarey heerkii ugu hoseeyey kadib markii dhowaan wasiirka Kaluumeysiga dowlada Federaalka Puntland ku eedeyey iney u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan.

Dowlada Federaalka ayaa dhinaca kale dhowaan waxba  kama jiraan ka dhigtey ruqsad Kaluumeysi oo dowlada Puntland siisey Maraakiib Kaluumeysi kuwasoo laga leeyahay dalka Thailand.

Maraakiibtaas ayaa iminka qayb kamid ah lagu haystaa dalka Thailand iyadoo wararka aan ka heleyno sheegayaan in kaluunka ay sideen lagu xaraashayo suuqyada dalkaas.

Xukuumada Ra'isal wasaare Khayre ayaa tan iyo intii ay heshay kalsoonida Barlamanka Federaalka Somalia waxay dabada ka riixeysay in beesha caalamka ku khasabto in dalka Somalia kasoo galaan Hal Irid ah.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Gargaarka Puntland oo su’aallo laga waydiiyay ka hortagga abaaraha

Marwo Ubax ayaa soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:17AM

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland oo hortagay baarlamaanka

Xildhibaannada ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan qorsheyaasha ku aaddan arrimaha Federaalka iyo dimuqraadiyada.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:13AM