Puntland oo diidey xeer lagu muransan yahay oo Farmaajo saxiixay

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa shaaca ka dhigtay in uusan khuseyn isla markaana degaanadeeda ka dhaqan-gelin doonin Wax ka bedelka Xeerka Saxaafadda uu madaxweyne Farmaajo saxiixay.

Cabdullaahi Cali Xirsi [Timo-cadde], wasiirka warfaafinta Puntland oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, ayaa xusay in aan lagala tashan Xeerkaas isla markaana ku dhaqmayaan xeer u degsan.

"Soomaaliya waa federaal wixii xeer ah oo loo sameynaya waxaa la rabaa in laga wada tashado. Ma ahan wax kaliya Muqdisho laga dhaqan-gelinayo, waa wax Soomaaliya oo dhan anfacaya. Marka dastuurkeena baa na siinaya awood aan ku sameysanayo xeerka," ayuu ku adkeystay.

Xeerka Saxaafadda Puntland ayaa ka horeeyay kan maanta dhaqan-galkiisa lagu soo bandhigay Wasaaradda Warfaafinta Federaalka. Sidoo kale, maamulkan wuxuu leeyahay Guddiga fulinta sharcigaas.

Hindise-sharciyeedka uu Farmaajo qalinka ku duugay ayaa ah mid lagu muransan yahay. Diidmadaas waxay daaran tahay qodobo ku jira oo Ururada Warbaahinta ay cod dheer ku codsadeen in meesha laga saaro.

Qodobka war-fidiyeenada ka qayliyeen waa; kaalinta wasaaradda warfaafinta ee xubnaha guddiga saxaafadda, ciqaabta oo huwan lacago fara badan iyo Rukhsad bixinta warbaahinta iyo aqoonsiga saxafiyiinta.

Ururadda ayaa ku doodey in qodobadan ay yihiin kuwa lagu aamusinayo wariyeyaasha, hase ahaatee, Villa Soomaaliya oo difaacdey waxay ku qeexdey "kuwa dhegaha dadka looga ilaalinayo beenta".

Inkasta oo Janaayo, 2016 uu saxiixay madaxweynihii 8aad ee dalka, haddana waxaa dib loogu soo celyey baarlamaanka labadiisa gole oo meelmariyey Janaayo, 2020 isla markaana wax ka bedel ku sameeyay.

Waydiimo badan ayaa ka dhashay sababta xilligaan kusoo beegtay in Farmaajo saxiixo xeerkaan oo xafiiskiisa yaalay 7 bilood, wallow uu horey uga dhawaajiyey in uu kala tashanayo dhinacyada uu khuseeyo.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada lagu dhibaateeyo wariyeyaasha gudanaya waajibaadkooda. Dowlada waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo waxay saxaafadda isugu dartay cagajugleyn, cabsigelin iyo lalauush siin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM