Puntland oo dil ku fulisey xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Image

March 16, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisey saddex nin oo horay dil loogu xukumey kuna eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore oo maanta Garowe shir jaraa'id ku qabtey ayaa xaqiijiyey warkan isagoo sheegay in Puntland sii joogteyn doonto dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in dadka maanta la toogtey ay ku caddaatay inay xubno firfircoon ka ahaayeen Al-shabaab qaybna ka qaateen dilal qorsheysan iyo qaraxyo laga fuliyey Puntland.

Saddexda nin ee la diley waxaa lagu kala magacaabi jirey:

  1. Maxamed Cabdi Axmed (Olol).
  2. Xaajow Shiikh Nuur Cismaan oo la baxay (Shiishaan).
  3. Ismaaciil Cabdulqaadir Jaamac oo la baxay (Rabbiile).

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa sanadkan xukunno dil, xabsi daa'im iyo xarig dheer isugu jira waxay ku riddey ku dhowaad labaatan qof oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab falal ammaan darro ahna ka geysteen Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM