Puntland oo toogatay xubno kamid ahaa Al-Shabaab iyo Daacish

Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamada Ciidamada Puntland, ayaa Khamiista maanta ah dil-toogasho ah ku fulisay 5 nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab iyo Daacish.

Shaqsiyadkan la toogtay ayaa waxay mudo ku xirnaayeen xabsiga magaaladda Boosaaso, waxaana ciidamada ammnigu ay horay uga soo qabqabteen gudaha deegaanada Puntland.

Toogashada xubnahan ayaa timid markii Maxkamadaha Ciidamada ee Darajadda Koowaad iyo Racfaankuba ay ayiddeen xukunadda garka loo geliyay horaantii sanadkan 2019-ka.

Raggaan ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgalo qorsheysan oo ciidamadda amaanka ka sameeyeen gobolka Bari.

Magacyada raga la toogtay kala ah;

Ibraahin Guudow Boorow, 23 jir, Faarax Siciid Faarax, 19 jir, Sheekh Cabdi Cabdulqadir Sheekh, 22 jir, Shaafici Xuseen Macalin, 19 jir, iyo Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah.

Puntland, horay waxaa loogu dilay rag lagu eedeeyay in ay xubin buuxda ka yihiin xoogaga gacansaarka la leh shabakaddaha Al-Qaacida iyo kooxda la magax baxday Dowladda Islaamka.

Kooxahan oo Puntland ku xoogeystay mudadii ay jirtay maamulkii Cabdiwali Gaas ayaa xukuumada Deni waxay wacad ku martay in ay xididaha u siibi doonto mudada xil-heynteeda.

VOA + GO

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM