Puntland oo Dowladda Soomaaliya ku eedeysay dagaalka Towfiiq

Image

GAROWE, Puntland – Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa dagaalka dib uga soo cusboonaadey degaanka Towqiif ee gobolka Mudug ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Colaadaan u dhaxeysa beelo ayaa salka ku haysa aannooyin horey u jiray, sidda uu ka dhawaajiyey wasiirka.

Inta la xaqiijiyey, waxaa ku naf-weysay in ka badan 20 ruux oo labadda dhinac ah ee dagaalmay ah.

Degaanka Towqiif ayaa hoos-tagaa qaybta ay dowladda Puntland ka maamusho gobolka Mudug.

"Sidaan sheegay dagaaladda hadda dhacaya waxay salka ku hayaan aannooyin soo socday, hase yeeshee, hadii cid maanta lagu eedeynayo waxaa lagu eedeynayaa mas'uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya," ayuu Dhabancad yiri.

Wuxuu intaas raaciyey: "Galmudug waxaa ka jiray maamul xoogan oo shaqeynaya oo gacanta ku haya, qeyb wayna ka ahaa ka shaqeynta nabadda gobolka Mudug, Puntland-na ay mar wallba kawada shaqeynayeen arrimahaasi".

Iyaga oo taageero ka helaya Beesha Caalamka, Galmudug iyo Puntland oo wada maamula gobolka Mudug ayaa kawada shaqeeyay xasilinta gobolka oo dagaalo dhimasho badan sababay ay ku dhexmareen maleeyshiyo beeleed.

Balse, khilaaf siyaasadeed oo hareeyay hogaanka Galmudug oo laba dhinac u kala jebay ayaa dhalisay marnanashiyo awooda u dhaxeysa beelaha.

"Habaca-sanaanta iyo furfurka ka jirana mas'uuliyadeeda waxay saaran tahay dowladda federaalka oo meesha ka saartay mas'uuliyiinta ka shaqeynayaa amniga, nabadda iyo haykalka dowliga," ayuu wasiirka hoosta ka xariiqay.

Wasiir Dhabancad oo ka jawaabaya talaabo xigta oo ay Puntland qaadeyso ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka shaqeynayaa soo celinta nabadda degaanka, isaga oo dhinacyadda dirirtu ka dhaxeyso ku booriyey in ay xabada joojiyaan.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo ku aadan eedeynta wasiir Dhabancad oo kasoo baxay dhanka dowladda.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay haatan ku howlan tahay dhismaha maamul loo dhan yahay oo Galmudug yeelato, wallow geedi u socodka uu wajahaya mucaarad xoogan uu muddo qaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM