Puntland oo Garoomadeeda u fasaxday Gargaarka Baladweyne

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa ka hadlay masiibada ka taagan degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ay saamaysay fatahaadda wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Camey ayaa shir saxaafadeedkiisa ku sheegay inay tacsi u dirayaan dhammaan shacabka maamulka HirShabeelle gaar ahaan dadkii waxyeelladu kasoo gaartay masiibadaas, isagoo intaas raaciyay inay garab siin doonaan.

“Waxaan Tacsi u dirayaa shacabka HirShabeelle iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ay saamaysay masiibada ka taagan Baladweyne,” ayuu yiri Camey.

Wuxuu baaq u diray shacabka Puntland oo uu ka codsaday inay ka qayb qaataan gurmadka loo samaynayo shacabka magaalada Baladweyne.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale xusay inay u fasaxeen garoomada diyaaradaha cid kasta oo shixnad caawimaad ah u siday maamulka HirShabeelle.

“Hadaanu nahay reer Puntland, waxaanu samaynay in la isticmaali karo Garoomada diyaaradaha iyadoo aanu ognahay in roobkii uu qooyay fatahaadii ka dhacday Baladweyne,” sidaas waxaa sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Hadalkan Camey ayaa kusoo aaday xilli xaalad adag ka taagan tahay magaalada Baladweyne islamarkaana uu socdo dedaalo dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamku ku raadinayso inay ku samata bixiso shacabka HirShabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM