​Puntland oo go'aan kasoo saartay Lacagta Somaliga (Daawo)

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Kulan maanta ay isugu yimaadeen qaar kamid ah golaha xukuumadda Puntland iyo Bangiga dowladda ayaa laga soo saaray awaamiir la xariirta lacagta Sh. Soomaaliga oo muddooyinkii dambe wajahday cadaadis iyo kala sooc, saamayn ku yeelatay dadweynaha.

Shirkan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Garowe ayaa lagu lafo guray sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan Shilling Soomaaliga, waxaana laga soo saaray 4 qodob oo la sheegay inay xal u noqon doonto dhibaatada hadda taagan.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Caarshe Dhaqaaje oo warbaahinta u akhriyay qodobadii kasoo baxay shirkaas ayaa sheegay in la isku afgartay qodobada kala ah;

1: Lacagta Sh Soomaaligu waa astaan Qaran , dalkastana astaantiisa Qaran waa lacagtiisa , Puntland kama duwan ciddii ka hor timaadana waa Qaran dumis

2: Dowladda Puntland lacagta Sh. So. waxay ku qaadaa Canshuurta waxayna ku bixisa Musharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha kale ee dowladda

3: Shacabka reer Puntland waxaa laga doonaya in ay lacagta Sh Soomaaliga ah qaataan, iyagoo aan kala gurin, sarrif kala duwana looma samayn karo , arrintaas oo aan diin ahaan banaanayn ( Ribo)

4 Ha’yadaha dowladda ee fulinta shaqadan qaybaha ku leh waxaa laga doonayaa in ay waajibkooda shaqo ka gutaan.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dowladda Puntland, Cabdi Ismaaciil Boos ayaa dadweynaha ka codsaday in lacagta dalka la socodsiiyo isagoo xusay in qodobadaas ay dawo u tahay dhibaatadii horey u jiray.

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdullaahi Siciid Yuusuf (Dowladd) oo isna ka hadlayay shirka muranka lacagta ayaa tilmaamay waxyaabaha hadda ka socda dalka ee lacagta ku saabsan ay keeni karto amni xumo, si marka taas looga baaqsado wuxuu codsaday in lacagta dalka la socodsiiyo maadaama Puntland kamid tahay Soomaaliya islamarkaana aysan lahayn lacag kale.

Cabdullaahi Axmed Xirsi (Timacadde), ayaa ku baaqay in wixii ku saabsan lacagta looga dambeeyo dowladda dhexe gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga isagoo fariin u diray guddoomiyaasha degmooyina iyo gobollada Puntland oo muddoonkii dambe soo saaray amarro la xariira qaadasha iyo socod siinta Sh. Soomaaliga.

Go’aankan ayaa kusoo beegmay xilli jaahwareer ku saabsan Lacagta dalka uu ka jiro suuqyada Puntland, kadib markii la diiday lacagtii hore ee duuga ahayd, iyadoo ganacsatada iyo sarriflayaashu qaadanayaan lacagtii dambe ee lagu daabacay gudaha Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM