Puntland oo go'aano kasoo saartay Arrimaha Xajka [Dhageyso]

Image

GAROOWE, Puntland - Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland, ayaa maanta warbixin ku aadan arrimaha Xajka ka dhageystay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Saalax Xabiib Jaamac.

Wasiirka ayaa warbixinta ku saabsaneyd cabashooyin shacabka Puntland ay ka muujiyeen lacagaha xad-dhaafka ah ee ay ka qaadan Shirkadaha diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya arrimaha Xajka.

Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland, Axmed Cali Xaashi ayaa ka sheegay Kulanka in mudo badan Baarlamaanka imaanaysay cabashada shacabka iyo culimada ee arrimaha Xajka iyo lacagaha laga qaado.

Wasiir Saalax ayaa warbixintiisa ku sheegay in shacabka ay dhibaato baahsan ka haysato qiimaha zaa'idka ah ee looga qaado gudashada Xajka iyo Cumrada, ee loo aado wadanka Sacuudiga sanad kasta.

Xoghayaha Joogtada ee Baarlamaanka Puntland, ayaa Saxaafadda u akhriyay war-murtiyeedka Gudiga kaasi oo ka kooban 4 qodobo, oo sharxaya dhibaatada ay shacabka ku qabaan Shirkadaha Diyaaradaha.

Qodobada War Saxaafadeedka:

1 - In Arrimaha Xajka oo ah Mas'uuliyad ay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya lagu wareejiyay Shirkado gaar loo leeyahay si aan waafaqsaneyn Cadaaladda iyo Nidaamka dowliga.

2 - In Cabashooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Xujayda ah aan dheg-jalaq loo siinin, oo Shirkadaha mar walba ku guuleysta inay burburiyaan iyagoo u isticmaalaya dhaqaalaha xad-dhaafka ah ee ay ka helaan Xajka.

3 - In Xujayda laga qaado qiimo aad ugu sareeya kan ay ku xajiyaan Xujayda wadamada aan deriska nahay.

4 - In Dhaqaalaha faraha badan ee laga qaado Xujayda aan loogu qaban adeegyada ay xaqa u lahaayeen, sida safarada diyaaradaha, Gaadiidka, Deegaanka, Cuntada, Caafimaadka iyo guud ahaan fududeynta gudashada acmaasha Xajka.

Dhibaatooyinka ayuu Gudiga ku sheegay inay sabab u noqda in dad badan oo Soomaaliyeed ay ka baaqdaan gudashada waajibaadka Xajka, oo kamid ah Tiirarka Islaamka.

Ugu dambeyntii, Baarlamaanka Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre inay si deg deg ah wax uga qabteen, islamarkaana arrimaha Xajka ay kusoo celiyaan gacanta Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamullada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM