Puntland oo Gurmad u Fidineysa Dadkii ku Dhaawacmey Qaraxii Muqdisho

Image

BOSAASO,Puntland- Kulan maanta isugu yimaadeen golaha Wasiirada dowlada Puntland kaasoo uu shir gudoominayey Madaxweyne Gaas ayaa waxaa lagu gaarey go'aan ah in magaalada Muqdisho loo diro gargaar isugu jira daawooyin iyo dhakhaatiir loogu gurmanayo dadkii dhibaatada ka gaartey qaraxii ka dhacey isgoyska Zoope.

Madaxweyne Gaas oo saxaafada la hadlay kulankaas kadib ayaa sheegey in dowlada Puntland u direyso magaalada Muqdisho diyaarad sida daawooyin iyo dhakhaatiir. Mudane Gaas ayaa sheegey in guddi ka kooban golaha wasiirada Puntland la magacaabey kuwasoo ka qayb qaadanaya howlaha loogu gurmanayo dadkii dhawacyada kasoo gaareen qaraxii ka dhacey magaalada Muqdisho.

"Waxaa maanta halkan isugu yimid shir aan caadi ahay Golaha Wasiirrada Dawladda Puntland, kulankaas oo lagaga hadlaayey musiibadii qaran ee ka dhacday magaalada Xamar, hore ayaan tacsi uga dirnay arrintaas iyada ah, marlabaad ayaan u tacsiyadaynaynaa eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii dadkii geeriyoodey, Illahay haw naxariisto gacan ka xaqdaran baa dishey, inta dhaawacan Illahay haw booga dayo.

"Runtii waxa Xamar ka dhacay ma ahayn wax caadiya, dhib weyn ayaa ka dhacday, dhib culus oo Soomaaliya aan hore uga dhicin ayaa ka dhacday, taasi markaa waxay nafaraysaa guud ahaan Soomaali oo dhan meel kastaan joognoba in arrintaasi nagu xoojiso in aanu furno indhaha, in aanu Soomaali hadaan nahay cadawgaas u soo dhaansaday inay Soomaali laayaan, inay dadka xasuuqaan in aanu meel uga soo wada jeedsano majirto cid gaar ah oo ay si gaara u hagardaamaynayaan, ma jirto cidgaaara oo ay si gaara ugu naxariisanayaan cadaw Soomaaliyeed weeye, Cadawga Islaamka weeye" ayuu yiri Madaxweyne Gaas isagoo hadalkiisa sii wata.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa waxaa ka socda dadaalo lagu kaalmeynayo dadkaan dhibku kasoo gaarey qaraxaan iyadoo qaar ka tirsan warbaahinta bilaabeen barnaamijyo lacag loogu ururinayo masiibadaan.

Idaacada Radio Garowe/Garowe Online ayaa maalintii shaley bilowdey barnaamij lacag loogu ururinayo dadkaan iyadoo sida aan kasoo xiganey agaasimaheeda u sheegey in dadaalkaan wadi doonaan inta ay ka gaaryaan higsigooda kaalmada ay damacsan yihiin iney gaarsiiyaan dhaawacyadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM