​Puntland oo ka aamusan xaaladda Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa xalay ka dhacay degmada Bosaso ee xarunta gobolka Bari kadib weerar lagu qaaday xarun ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka Puntland.

Weerarkaas oo ka dhacay nawaaxiga Jaamacadda Bariga Africa ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen labo qof oo shacab ah halka tiro kale oo lix gaaraysa dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Cusbitalka guud ee Bosaso ayaa lagu dabiiyaa xaaladd dadkaas.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Puntland, waxaana falkaan lagusoo beegay xilli meel u jirta 53km lasoo dhigay maydadka saddex ruux oo lagu qafaashay nawaaxiga degmada Qandala ee gobolka Bari.

Balse, kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qalalasaha ka jira gobolka Bari.

Ammaanka magaalada Ganacsiga Puntland ee Bosaso ayaa faraha kasii baxday muddooyinkii dameb kadib markii kooxaha xiriirka la leh argagixisada isku fidiyeen gobolka Bari tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Gaas oo xukuumaddiisu ka gaabisay ilaalinta amniga iyo la dagaallanka xagjiriinta.

Qaar kamid ah ehelka dadkii shalay maydkooda Karin lasoo dhigay ayaa dowladda ka dalbaday inay ilaaliso amniga dadka rayidka ah iyagoo ugu baaqay in loo istaago sidii kooxahaas looga saari lahaa deegaanada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM