Puntland oo ka jawaabtey diidmada DF ee go'aanadii shirka Garowe

Image

GAROWE, Puntland – Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa Sabtida maanta ah waxay si adag kaga jawaabeen diidmada Dowladda federaalka Soomaaliya ee qaar kamid ah go'aanadii shirka Garowe.

Iyagoo wariyeyaasha kula hadlay magaala madaxda, wasiirada ayaa carabka ku dhuftay in shirweynaha uu ahaa mid loo qabtay dadka ku dhaqan degaanadda Puntland.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa'id, mas'uuliyiinta ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in ajendaha shirka uu ahaa ka tashiga aayaha guud ee Puntland.

Sidoo kale, waxay meesha ka saareen in Dowladda federaalka Soomaaliya ay wax raad ah ama saameyn ku lahayd hab-sami-usocodka shirka.

Mar ay soo hadal-qaadeen socdaalka lagu waddo in uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku tago caasimada Muqdisho, wasiirada ayaa meesha ka saarey in uu wadahadalo la yeelanayo hogaanka dalka.

Wallow aysan kala caddeyn qaabka, tani macneedu waa in Saciid Cabdullaahi Deni uusan la kulmeyn madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si lamid ah ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa sheegay in socdaalka Deni uu yahay gogol-xaar ku saabsan gogosha ay Puntland u fidisay dowlada iyo maamulada.

Xiriirka Villa Soomaaliya iyo Puntland ayaa aad u hooseeyay bilooyinkii lasoo dhaafay, iyaddoo dowladda Farmaajo lagu eedeeyay in ay diidey wadatashi ay ka gasho arrimaha masiiriga ah sida doorashooyinka.

MUUQAALKA WASIIRADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM