Puntland oo ku dhawaaqday guddi la tacalaaya xaalado soo kordhay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ahna ku simaha Madaxweynaha, ayaa shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo Dowladdu ka yeelatay roobabkii da'ay.

Shirkan oo uu gudoonka ka ahaa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa waxyeelada ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Gobolada Puntland.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Labada Gole Dowladda, Hay’adda Wadooyinka, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee HADMA, deeq-bixiyeyaal iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda.

Isu imaatinka ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinada hordhaca ah ee laga hayo khasaaraha guud ee ka dhashay Roobabkii da’ay, oo ay kamid tahay Wadooyinka go’ay.

Jidadka ayaa waxaa Wadada Lafa Goroyo ee Gobolka Gardafuu, Wadada Laasqoray-Ceelaayo ee Gobolka Sanaag iyo Wadada laamiga ah ee isku xirta Boosaaso iyo Garoowe.

Karaash ayaa magacaabay Guddi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimo, oo ka shaqeynaya wax ka qabashada khasaarihii iyo abaabulka sidii loogu gurman lahaa dadka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku baaqay Dowlad, Shacab iyo Hay’addaha deeqaha bixiya in la isu taago sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaateysan.

Meelaha xaaladdaha adag ka jiraan ayaa waxaa kamid ah Gobolka Gardafuu, halkaas oo la sheegayo in isu socodka uu yahay mid aad u adag maadaama wadooyinka ay go'een.

MUUQAALKA KARAASH

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM