Puntland oo ku gacan-seyrtay eedeynta Hay’adda UNICEF

Image
Xukunka dilka ah ayaa dhacay 17-kii Agoosto, markaasoo toban nin lagu dilay toogashada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Puntland ayaa beeniyey eedeymo ay soo saartay hay’adda UNICEF oo ku aadan in ay xukun dil ah ku fulisay afar qof oo la sheegay in ay ahaayeen carruur yar yar.

Xukunka dilka ah ayaa dhacay 17-kii Agoosto, markaasoo toban nin lagu dilay toogashada. Maxkamadda ayaa sheegtay in raggan lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay dilal ka geysan jireen magaalada Gaalkacyo.



Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa sheegay in xukunka dilka ah loo fuliyay si waafaqsan nidaamka sharciga ah oo ay ku jiraan baaritaano adag iyo dib u eegis badan.

Waxa uu xusay in shaqsiyaadka la xukumay la siiyay fursad saddex sano ah oo ay racfaan kaga qaadan karaan xukunka lagu riday.


UNICEF iyo hay’adaha kale ee u dooda xuquuqul insaanka ayaa in badan ku dhaliilay Puntland iyo Soomaaliya sida ay ula dhaqmaan maleyshiyaadka xagjirka ah.

Waxay u doodaan in loo beddelo caddaaladda dhaqancelinta halkii lagu ciqaabi lahaa dil toogasho ah, gaar ahaan kuwa aan qaan-gaarin markii ay dembi galeen.

 Amnesty International ayaa sheegtay inay sare u kacday dilalka Soomaaliya, iyadoo 38 dil la diwaan galiyay sanadkii hore marka loo eego 2022 lix oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM