Puntland oo martigelisay Shirka la dirirka Jiriifka iyo Kalluumaysiga Sharcidarada ah

Image
Kulankan ayaa waxa uu ka qabsoomay Xarunta Hawlgallada iyo Dhaqdhaqaaqyada Badaha Puntland ee MOC PMPF.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka ladagaalanka Jiriifka iyo Kalluumaysiga Sharcidarada ah oo ka qabsoomay Xarunta Hawlgallada iyo Dhaqdhaqaaqyada Badaha Puntland ee MOC PMPF ayaa waxaa ka qayb-galay Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Kalluumeysiga iyo Wakiilka Safaarada Yaman ee Soomaaliya u qaabilsan Puntland.

Intii uu socdey shirku waxaa looga hadlay Qorshaynta habraaca wadashaqaynta dhinacyada, isdhaafsiga Tababaro, adeegsiga aaladaha casriga ah ee la isugu gudbiyo xogaha Badaha (IORIS , SKYLIGHT, AIS iyo SEA FISHING), si looga gungaaro inaanay Biyaha dalka, gaar ahaan Puntland soogelin gaadiid badeed oo aan xogtiisa lahayn, sifo sharciyana kusocon.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay ilaalinta khayraadka iyo is-waafajinta xogaha doonyaha kalluumeysiga ee isticmaala badaha Caalamiga ah ee ay soo gudbiyaan ciidamada ilaalada Badaha dalalka (Yaman, Cuman, Jabuuti , Sacuudiga iyo kuwa dalkeenna), kuwaasi oo wadashaqayn Amni la leh XaruntaMOC PMPF, si loo sugo xogta iyo amniga gaadiidkaasi.

Dhinaca kale, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Saraakiisha Xarunta MOC PMPF ayaa isla-meel-dhigay inay muhiim tahay ururinta xogta Kalluumaysatada, si loo sugo ilaalinta khayraadka, bedqabka Kulluumaysatadeenna, hubinta shatiga iyo kordhinta dakhliga, xogtaasi oo ururinteeda, taxliilinteeda iyo kaydinteedaba hayndoonto Xarunta MOC, taasi oo ay ku jirto guud ahaan dhaqdhaqaaqyada Badda iyo kuwa Kalluumaysatada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM