Puntland oo qabatay eedeysane kamid ahaa dabley afduubatay markab

Image
Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah.

GAROWE, Puntland - Ciidamada PMPF ee ka hawlgala degmada Eyl ee gobolka Nugaal iyo ciidanka Booliska degmadaasi oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle).

Soolle ayaa la sheegay inuu kamid ahaa Burcad Badeed qabsaday 12, March, 2024 Markabkii MV ABDALLA ee laga lahaa dalka Bangaladesh, sidda uu Taliska PMPF ku sheegay qoraal.

HOOS KA AKHRISO QORAAL BOOLISKA

Hawlgal ay si wadajir ah ufuliyeen Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Saldhiga Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal iyo Ciidanka PMPF ayaa saaka aroor nimadii gacnta ay ku soodhigeen Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) kaas oo kamid ahaa Burcad badeedii qabsaday Markabkii MV ABDALLA ee laga alahaa dalka Bangaladesh.

Ciidanka oo lasocday xogta eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) ayaa ku qabtay Xeebaha dhaca degmada Eyl iyo Deegaanada ku xeeran oo uu ku dhuumaalaysanayey.

Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5 malyan oo doolar.

Dowlada Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedka ah kuwaas oo dhibaato lixaadle kuhaya dadka iyo badwabka deegaankaba.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM