Puntland oo qabatay eedeysane kamid ahaa dabley afduubatay markab

Image
Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah.

GAROWE, Puntland - Ciidamada PMPF ee ka hawlgala degmada Eyl ee gobolka Nugaal iyo ciidanka Booliska degmadaasi oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle).

Soolle ayaa la sheegay inuu kamid ahaa Burcad Badeed qabsaday 12, March, 2024 Markabkii MV ABDALLA ee laga lahaa dalka Bangaladesh, sidda uu Taliska PMPF ku sheegay qoraal.

HOOS KA AKHRISO QORAAL BOOLISKA

Hawlgal ay si wadajir ah ufuliyeen Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Saldhiga Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal iyo Ciidanka PMPF ayaa saaka aroor nimadii gacnta ay ku soodhigeen Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) kaas oo kamid ahaa Burcad badeedii qabsaday Markabkii MV ABDALLA ee laga alahaa dalka Bangaladesh.

Ciidanka oo lasocday xogta eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) ayaa ku qabtay Xeebaha dhaca degmada Eyl iyo Deegaanada ku xeeran oo uu ku dhuumaalaysanayey.

Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5 malyan oo doolar.

Dowlada Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedka ah kuwaas oo dhibaato lixaadle kuhaya dadka iyo badwabka deegaankaba.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM